Kooxda Arsenal oo bilowday wadahadallo ay kula soo saxiixanayso Nabil Fekir kaddib markii lagu garaacay saxiixa Buendia

(London) 13 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay wahadallo ay kula soo saxiixanayso Nabil Fekir la bilowday Real Betis, kaddib markii lagu garaacay saxiixa Buendia.

Jariiradda AS ee ka soo baxda dalka Spain ayaa warinaya in Arsenal ay wahadallo ay kula soo saxiixanayso laacibka khadka dhexe ee Nabil Fekir la bilaabawday kooxda Real Betis.

Gunners ayaa durbaba gudbisay hal dalab oo ay ku dooneyso 27-sano jirkaan, laakiin kooxda reer Spain ayaa dalbanaysa lacag intaas ka badan.

Wadahadallada labada kooxood ayaa weli socda, iyadoo Arsenal ay u weecatay dhanka Fekir kaddib markii ay seegeen Emi Buendia, kaasoo Aston Villa kaga soo biiray Norwich isbuucii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close