Karim Benzema oo ka hadlay xaaladdiisa jir ahaaneed kahor kulanka Germany

(Paris) 13 Juun 2021. Xiddiga xulka qaranka France iyo kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa xaqiijiyay inuu diyaar u yahay ka qeybgalka kulanka ay kaga daah furanayaan Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020, kaasoo ay la ciyaari doonaan dhigooda Germany habeenka Talaadada ee soo socota.

Karim Benzema ayaa ku baxay dhaawac jilibka ah, kulankii Bulgaria ay 3-0 kaga adkaadeen, laakiin wuxuu ku soo laabtay tababarka dhawaan, taas oo ka dhigeysa inuu u qalmo inuu ka qeyb galo kulammada ugu horeeya uu xulka France ka ciyaari doono EURO 2020.

Benzema oo maanta la hadlay saxaafada dalka Faransiiska ayaa wuxuu yiri:

“Shalay waxaan awooday inaan dib u bilaabo tababarka kooxda, arrimuhu si wanaagsan ayey u socdeen, mana dareemin wax xanuun ah ama dhib ah, sidaas darteed diyaar ahay 100%.”

Intaas kaddib weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa wuxu ka hadlay dib ugu soo laabashadiisa xulka qaranka France wuxuuna yiri:

“Si fiican ayaa la ii soo dhoweeyay, soo laabashadayduna waxay noqotay mid layaableh.”

“Waan u xiisay inaan matalo dalkega sanadihii la soo dhaafay, sababtoo ah waxaad yeelan doontaa dareeno kala duwan oo ku saabsan u ciyaarista kooxda, waana ku faraxsanahay inaan halkaan joogo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close