Horudhac: Netherlands vs Ukraine… (Holland oo markii ugu horreysay tartan weyn ciyaareysa tan iyo 2014 & xiddig muhiim ah oo shaki laga gelinayo)

(Amsterdam) 13 Juun 2021. Xulalka kubbada cagta Netherlands iyo Ukraine ayaa markii ugu horreysa isaga hor imaanaya tartan weyn (Koobka Adduunka + Tartanka qarammada qaaradda Yurub) iyadoo Netherlands hal dhacdo kaddib ciyaareysa Euro.

Xulka Holland ayaa seegay tartankii qarammada qaaradda Yurub ee 2016 iyo Koobkii Adduunka ee 2018, waxaana caawa uu ciyaarayaa tartan weyn markii ugu horreysay tan iyo Koobkii Adduunka ee 2014 xilligaas oo uu wareegga nus-dhammaadka gaaray.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Johan Cruijff ArenA

Garsooraha: Felix Brych (Germany)

Wararka Xulalka:-

Xulka Netherlands ayaa la filayaa inuu xilli dambe go’aan ka qaato xaaladda taam ahaanshaha difaaca Juventus ee Matthis de Ligt kahor ciyaarta caawa isagoo dhaawac gumaarka ah ku seegay kulankii saaxiibtinnimo ee Georgia la ciyaareen toddobaadkii hore.

Sidoo kale Daley Blind ayaa xaaladdiisa la qiimeyn doonaa kaddib markii uu ciyaartaas kasoo kabtay dhaawac soo gaaray bishii Maarso, waxayna u badan tahay inuu kulankan qayb ka noqon karo.

Geesta kale, xulka Ukraine ayaa heysta saf dhammeystiran marka laga reebo xiddiga garabka ka ciyaara ee Viktor Tsygankov, waxaana macallin Andriy Shevchenko uu dooran karaa shaxdii uu doono.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool ka fool

Kulanka caawa ayaa noqonaya ayaa midkii ugu horreeyay ee ay xulalka Netherlands iyo Ukraine isku arkaan tartan weyn.

Laba ciyaar oo saaxiibtinnimo oo ay wada ciyaareenna waxaa mid ka mid ah adkaaday xulka Holland kaasoo 3-0 ku dharbaaxay Ukraine kahor inta aysan barbarro 1-1 ah galin 2010.

Netherlands

Waa markii ugu horreysay ee xulka Netherlands uu ku ciyaari doono garoonka Johan Cruyff Arena tartan weyn tan iyo ciyaartii Italy ee wareegga nus-dhammaadka ee tartankii Euro 2000.

Tan iyo bilawgii Euro 1988, Holland ayaa gaaray afar jeer wareegga nus-dhammaadka, waxaana ka badan kaliya Jarmalka oo lix jeer gaaray wareeggaas.

Holland ayaa la garaacay kaliya hal jeer 12-kii ciyaarood ee lasoo dhaafay oo ay ciyaareen kulanka fuirtaanka Euro, waxaana 1-0 dhegta dhiigga ugu daray xulka Denmark sanadkii 2012.

Ukraine

Xulka Ukraine ayaa ku guuldarreystay inuu wareegyada bug-baxda gaaro labadii jeer ee uu hore u ciyaaray tartanka qarammada qaaradda Yurub.

Marka laga soo tago guushii ugu horreysay ee Ukraine tartanka ka gaaraan sanadkii 2012 ciyaar ay Sweden garaaceen, waxaa laga adkaaday shan jeer oo xiriir ah oo markaas ka dambeysay, waxayna qarka u saaran yihiin inay barbarreeyeen xulka Yugoslavia kaasoo heysta rikoorka xulka guuldarrooyinka ugu badan ee xiriir ah ay soo gaareen, waxaana la garaacay kulan walba oo qarammada Yurub ah intii u dhexeysay 1968 illaa1984.

Gool la’aanta Ukraine ee gaartay shan kulan oo xiriir ah waa rikoor gaar ah oo u yaalla tartanka qarammada qaaradda Yurub.

Shaxda macquulka ah ee labada Xul:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close