RASMI: Ciyaaryahanka ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee horyaalka La Liga oo la shaaciyey

(Madrid) 11 Juun 2021. Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa ku dhawaaqay ciyaaryahanka ku guuleysatay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa horyaalka La Liga intii lagu jiray xilli ciyaareedkii dhawaan dhamaaday.

Goolhaayaha kooxda Atlético Madrid ee Jan Oblak ayaa loo doortay laacibka sanadka horyaalka La liga ee dalka Spain inta lagu gudajiray xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2020/2021.

Jan Oblak ayaa kooxda Atletico Madrid ku hoggaamiyay hanashada horyaalka Spain xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2020/2021, kaddib markii ay ka qaadeen kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Oblak Wuxuu shabaqiisa gool ka ilaashaday 18 jeer, isagoo kooxda ku guuleysatay horyaalka Spain u sameeyey 103 badbaadin.

Maalmo kahor, Jan Oblak ayaa sidoo kale loo caleemo saaray goolhayaha ugu fiican Horyaalka Spain, taasoo ka dhigeysa inuu isagu maamulayo abaal-marinada shaqsiyadeed ee xilli ciyaareedkan.

صورة

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close