Goorta uu Jadon Sancho ku biiro doono kooxda Manchester United oo daaha laga rogay

(Manchester) 11 Juun 2021. Kooxda Manchester United ayaa kala soo saxiixan doonta Borussia Dortmund xiddiga reer England ee Jadon Sancho, kaddib markii ay ku dhawaatay saxiixiisa suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

Kaddib 4 sano uu ku qaatay horyaalka Bundesliga ee dalka Germany, Sancho ayaa wuxuu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan uguna tayada fiican adduunka, sidaas darteed waxaa jiray rabitaan joogta ah oo ka yimid Manchester United ee ku aadan saxiixiisa.

Ole Gunnar Solskjær wuxuu Sancho u arkaa saxiix dhameystiran, mana ahan wax adag in la arko sababta, madaama tayadiisa ay soo jiidatay indhaha kooxaha kale ee ugu waa weyn Yurub.

Haddaba sida ay wararkii ugu dambeeyay ay qoreen wargeysyada sheegayaan, Man United ayaa dooneysa inay ku dhameystirto heshiiska Jadon Sancho qiimo lacageed dhan 95 million euros, laakiin heshiiska ayaa la dhameystiri doonaa isla markaana lagu dhawaaqi doonaa kaddib Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

Sancho wuxuu ku jiraa liiska xiddigaha xulka qaranka England uu tababare Gareth Southgate u soo xulay inay ka qeyb qaataan Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020, iyaga oo ay isku Group yihiin xulalka Croatia, Scotland iyo Czech Republic.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close