Maxay tahay shuruudda looga baahan yahay taageerayaasha garoonka Wembley ku daawanaya ciyaaraha tartanka Euro 2020

(London) 09 Juun 2021. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa sharci kusoo rogay taageerayaasha kasoo qayb galaya ciyaaraha tartanka Euro 2020 ee ka dhacaya garoonka Wembley ee dalka Ingiriiska.

Taageerayaasha kasoo qayb galaya kulammada xulka qaranka Ingiriiska ay ku ciyaarayaan magaalada London ayaa lagu waajibiyay inay la imaadaan warqad caddaaneysa inay qaateen talaalka Korona Fayras ama inay soo bandhigaan natiijada baaritaanka xanuunkan oo muujineysa inay ka bad-qabaan Koofid19.

Xiriirka UEFA ayaa u sheegay taageerayaasha heysta tikidhada laga iibiyay caasimadda Ingiriiska ee jira da’da 11 sano ama da’ ka weyn in looga baahan yahay warqadaha ay la imaanayaan inay ku cad yihiin iyo jawaabaha baaritaannada ama talaalka ay soo bexeen 14-ka maalmood ee kahor ciyaarta gudahood.

Xulka lagu naaneyso Saddexda Libaax ayaa ciyaarta ugu horreysa tartanka la ciyaareysa xulka Croatia Axadda soo aaddan, waxayna taageerayaasha waraaqada looga baahan yahay ay ku dirayaan App-ka NHS.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close