Wasaaradda Caddaaladda Switzerland oo xeer ahaan kaga hadashay talaabada ay FIFA iyo UEFA ka qaadi karaan Barcelona, Juventus iyo Real Madrid

(Zurich) 08 Juun 2021. Dagaalka la xiriira European Super League ee u dhexeeya kooxaha Barcelona, Juventus iyo Real Madrid oo isku dhinac ah isla markaasna ka mid ah kooxihii aas-aasay mashruuca ciyaareed iyo xiriirrada kubadda cagta dunida iyo qaaradda Yurub ee FIFA iyo FIFA oo iyana isku dhinac ah ayaa isla gaaray heerar maxkammadeed, waxaana haatan Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Switzerland ay sheegtay inaysan labada xiriir awood u lahayn inay ka aargutaan saddexda naadi.

Barca, Juve iyo Madrid ayaa ka mid ahaa 12 naadi oo saxiixay mashruuca tartanka European Super League kaasoo ay sagaalkii naadi ee kale ay isaga baxeen, waxaana saddexda naadi hanjabaad iyo cadaadis ay kala kulmayaan xiriirrada FIFA iyo UEFA, taasoo keentay in la baqdin galiyo boosaskooda tartammada Yurub iyo in ganaaxyo culus la dul dhigo.

Raadiyaha Spain laga leeyahay ee Cadena SER ayaa sheegay in Wasaaradda Caddaaladda ee Swiss-ku ay xiriirka kubadda cagta dunida iyo kan qaaradda Yurub ay ogeysiisay inaysan sharci ahaan kaga aargudan karin kooxaha kusoo haray Super League.

Xiriirrada FIFA iyo UEFA ayaa dacdwad hab sharci ah loo maray ka gudbisay saddexda naadi, waxaana jawaabta kiiskaas la filayaa maalmaha soo aaddan ama kahor bilaabashada tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020.

Xeer-yaqaanka Manuel Ruiz de Lara – kaasoo horraan Maxkammadda Caddaaladda Spain hor geeyay kiiska doodda arrinta Super League – ayaa haatan kiiska u gudbiyay Maxkammadda Caddaaladda ee Midowga Yurub si loo caddeeyo in xiriirrada maamula kubadda cagta ay awood u leeyihiin inay talis buuxa ku heystaan kooxaha ay maamulaan iyo inay kooxu sharci u leeyihiin go’aannada qaar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close