Horseed oo guul weyn ka gaartay Kooxda Gaadiidka kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League… +SAWIRRO

(Muqdisho) 07 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Horseed ayaa guul weyn ka gaartay naadiga Gaadiidka kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-0, ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta Horseed.

Daqiiqadii 18-aad kooxda kubadda cagta Horseed ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay ciyaaryahanka Lambarka 22-aad ee Joshua Abdul, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Farxaan xidig.

34 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Horseed ayaa dhalisay goolkeeda labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Nuur Cumar, waxaana markale caawinta goolkan lahaa Farxaan xidig.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 65-aad kooxda Horseed ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha kaddib markii uu 3-0 ka dhigay xiddiga Lambarka 28-aad Ibraahim, iyadoo uu markale caawiyay Farxaan xidig.

68 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Horseed oo sii wadata bandhigeeda goolasha ee kulankan ayaa dhalisay goolkeeda Afaraad kaddib markii uu 4-0 ka dhigay Farxaan maxamed axmed Xidig oo caawin ay kaga timid Ibraahim Ilyaas.

Daqiiqadii 93-aad Bile Muxudiin Buraale ayaa soo xiray bandhiga goolasha ee kulankan, wuxuuna dheesha ka dhigay 5-0 ay ku hoggaamineyay kooxda Horseed.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 5-0 ay kaga adkaatay Horseed kooxda Gaadiidka, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

SAWIRRO:

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close