Sergi Roberto oo lagu xiray dalka Giriigga… (Maxay tahay sababta?)

(Greece) 06 Juun 2021. Wargeyska El Desmarque ayaa sheegay in laacibka Barcelona ee Sergi Roberto lagu xiray dalka Greece (Giriigga).

Wargeyska ayaa sheegay in xiddiga difaaca midig iyo khadka dhexe ka ciyaara uu ka qayb galay xaflad qoob-ciyaar lagu soo bandhigay isagoo aanan xirneyn af-saabka loogu talo galay inay dadku afka ku xirtaan si ay uga feejignaadaan xanuunka neefta lagu kala qaado ee Korona Fayras.

Sidoo kale, xiddigan ayaa lagu eedeeyay inuu jabiyay xeerarka ka hortagga Koofid-19 ee u yaalla dalka Giriigga sida ay boolisku sheegeen maadaama uu xaadiray xaflad ay ku sugnaayeen boqollaal qof.

Si kastaba ha ahaatee, 29-sano jirkan ayaa laga reebay safka xulka qaranka Spain ee ciyaaraya tartanka Euro 2020, sidaas darteed, waxa uu ku jiraa fasaxii xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close