Manchester United oo ka cabsi qabta inay weyso Marcus Rashford bilawga xilli ciyaareedka dambe… (Maxay tahay sababta?)

(Manchester) 06 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa sida la sheegay ka walaacsan inay kulammada ugu horreeya xilli ciyaareedka dambe ay heli weyso weeraryahankeeda Marcus Rashford kaasoo la filayo inuu qaliin maro.

Weeraryahankan ayaa isagoo dhaawac iyo xanuun ka dareemaya cagta iyo garabka gudanayay waajibaadkiisa ciyaareed ee naadiga Man United xilli ciyaareedkan, waxaana haatan lagu soo warramayaa inuu qaliin lagu dabiibayo dhaawacyadan uu mari doonaa marka uu dhammaado tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020.

Wargeyska Mirror oo arrintaan daaha ka rogay ayaa sidoo kale sheegay in haddii uusan xitaa labada qaliin marin, midkood uu mari doono kahor billaabashada fasal ciyaareedka 2021-22.

Si kastaba ha ahaatee, Rashford ayaa qayb ka ah safka xiddigaha xulka qaranka England ee ciyaari doona tartanka Euro 2020 xagaagan, waxaa marka uu dhammaado tartanka 11-ka July oo ah xilliga Fiinaalkiisa lagu balansan yahay, waxaana shaki badan la gelinayaa in qaliinka uu xiligaas kaddib maro uu kasoo kaban karo kahor 14-ka bisha August oo uu furmi doono xilli ciyaareedka horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close