Fabrizio Romano oo shaaciyey kooxda uu go’aansaday inuu ku biiro Georginio Wijnaldum… (Ma Barcelona mise PSG?)

(Liverpool) 06 Juun 2021. Suxufiga dhanka suuqa kala iibsiga lagu qaddariyo ee Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu go’aansaday inuu ku biiro Georginio Wijnaldum.

Romano waxa uu warinayaa in Wijnaldum uu go’aansaday inuu ku biiro PSG halkii uu ka aadi lahaa Kooxda kubadda cagta Barcelona.

Waxaa Fabrizio Romano laga soo xgtay in Wijnaldum uu go’aan ku gaaray inuu ku biiro PSG, maadaama ay Barcelona dooneynin inay dalabkooda sare u qaadaan, kaddib markii ay sheegeen inay heshiiska diyaar u yihiin labo isbuuc gudahoodna uu laacibkan tijaabada caafimaadka mari doono.

Gini ayaa haatan qarka u saaran inuu aqbalo soo jeedinta PSG ee ah inuu la joogo ilaa sanadka 2024-ka, isagoo weliba ka qaadan doona mushahar laban-laab ka badan kan uu ka heli lahaa Kooxda Barça.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close