RASMI: Ciyaaryahanka ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey

(London) 05 Juun 2021. Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester City ee Ruben Dias ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee horyaalka Premier League.

Daafacan ayaa noqday laacibkii labaad ee Portuguese ah oo ku guuleysta abaal-marintan kaddib markii uu saftay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey u saftay Kooxda Man City.

Dias ayaa udub dhexaad u ahaa hanashada horyaalkii saddexaad Kooxda Man City ee Premier League muddo afar sano ah, isagoo saameyn deg deg ah ku yeeshay kaddib markii uu ka soo wareegay Benfica bishii Sebtember ee sanadkii 2020.

24-sano jirkaan ayaa si aan kala go’lahayn ugu shaqeeyey kooxda Pep Guardiola, wuxuuna u muuqday hoggaamiye dhanka daafaca ah, iyadoo Man City ay badisay 15 kulan oo isku xiga, waana markii afaraad ee ugu dheereyd taariikhda Premier League oo kulamo sidaas xiriir ah ay adkaato Sky Blue.

Dias ayaa gacan ka geystay 15 kulan oo shabaq ilaasasho ah, wuxuu guuleystay 23 ka mid ah 32 kulan oo uu ciyaaray, isagoo sameeyey 35 dhex ka jar, 24 taakal, 23 baloog iyo 135 dib u soo kabasho.

Sidoo kale waxa uu kooxda Man City ka caawiyey inay ku guuleysato EFL Cup iyo inay gaaraan Final-ka UEFA Champions League.

Image

>- Dias ayaa kaliya ah daafacii afaraad ee Taariikhda loo magacaabo xiddiga sanadka ee horyaalka Ingiriiska, kaddib Daafacii Manchester United ee Nemanja Vidic, kabtankii hore ee kooxda Man City, Vincent Kompany iyo daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk.

>- Sidoo kale Dias waa xiddigii labaad ee Portuguese ah oo ku guuleysta abaal-marintan, kaddib Cristiano Ronaldo oo isagoo ku sugan Kooxda Man Utd ku guuleystay kal ciyaareedyadii 2006/07 iyo 2007/08.

>- Codbixinta dadweynaha waxaa lagu daray codadka Kabtannada 20-ka naadi ee Premier LEague iyo koox khubaro kubbadda cagta ah si loo go’aamiyo Dias inuu yahay guuleystaha abaal-marintan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close