Elman oo saddexda dhibcood ka heshay kooxda Raadsan kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 05 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Elman ayaa saddexda dhibcood ka heshay naadiga Raadsan kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta ee Elman.

Daqiiqadii 9-aad kooxda Elman ayaa durba hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibka u xirta Lambarka 93-aad ee Maxamed Kylan, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Xamza.

11 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Elman ayaa la timid goolkeeda labaad kaddib markii uu 2-0 ka dhigay xiddiga Lambarka 5-aad ee Mahad Bare.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 47-aad kooxda Elman ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana markale shabaqa gaaray Maxamed Kylan oo dheesha ka dhigay 3-0.

77 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Raadsan ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda Lambarka 10-aad ee Jabriil Xasan, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 3-1.

Cabduraxmaan Saalax oo ka tirsan kooxda Raadsan ayaa daqiiqadii 82-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-2 ay kaga adkaatay Elman, kooxda Raadsan, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close