Dalalka Spain iyo Portugal oo farriin weyn u diray xiriirka FIFA kahor inta aysan bilaaban ciyaartii xalay… (Maxay ka dalbadeen xiriirka kubadda cagta dunida?)

(Madrid) 05 Juun 2021. Xulalka qaranka Spain iyo Portugal ayaa xalay kulan saaxiibtinnimo ku wada ciyaaray magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain kahor billaabashada tartanka qarammada qaaradda Yurub.

Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay barbarro 0-0 ah, waxaase kulanka barbar socday farriin ay labada dal xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA kaga dalbanayeen marti gelinta Koobka Adduunka ee sanadka 2030.

Kahor inta aanan la baasan ciyaarta ayaa garoonka lagu soo bandhigay xaflad kooban oo ay goobjoog u ahaayeen Boqorka dalka Spain ee Felipe VI (Felipe-kii lixaad) iyo Madaxweynaha Portugal ee Marcelo Rebelo de Sousa.

Waxaa intaas barbar socday in labada Ra’iisul-wasaare ee labada dal ay soo bandhigeen heshiis ay ku saxiixeen inay labada dal si wada jir ah u dalbadaan marti-gelinta dhacdada Koobka Adduunka ee sanadka 2030.

Spain and Portugal players wore 'Vamos 2030' T-shirts before Friday's friendly in Madrid

Sidoo kale, xiddigaha laba xul u ciyaarayay kulankii xalay ayaa soo xirtay maaliyad caddaan ah oo ay caloosha kaga qoran yihiin ereyga “Vamos” oo micnihiisu yahay “Ina keenna”, waxaana raacsanaa “2030”.

“Dowladaha Spain iyo Portugal waxay muujinayaan rabitaankooda iyo ka go’naashahooda marti gelinta Koobka Adduunka ee 2030” ayuu u dhignaa heshiiska ay labada dal wada saxiixeen.

Dhinaca kale, Fernando Gomes oo ah Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta dalka Portugal iyo dhiggiisa Luis Rubiales ayaa xaqiijiyay inay iyaguna saxiixeen heshiiska ay sida wada-jirka ah ugu dalbanayaan inay marti geliyaan Koobka Adduunka ee 2030.

Si kastaba ha ahaatee, Koobka Adduunka ee 2022 ayaa lagu marti gelinayaa dalka Qatar, halka waddammada Canada, Mexico iyo Mareykanka ay si wada jir ah u marti gelin doonaan Koobka Adduunka sanadka 2026, sidaas darteed, waxaa xiriirka FIFA looga fadhiyaa 2024 inay doortaan halka lagu qaban doono Koobka Adduunka 2030.

Spain iyo Portugal oo isku dhinac ah ayaa loollan kala kulmi doona waddammada iyagan wada-jirka u socda ee Britain iyo Jamhuuriyadda Ireland oo isku xiran iyo Argentina, Uruguay, Paraguay iyo Chile oo is wata.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close