RASMI: Chelsea oo heshiiska u kordhisay Thomas Tuchel… (Immisa sano ayuu sii joogi doonaa Stamford Bridge?)

(London) 04 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah sare ugu qaadday qandaraaska uu kooxda kusii maamulayo Macallin Thomas Tuchel.

Blues ayaa Macallin Tuchel ku abaal-marisay heshiis cusub oo gaaraya illaa 2024 kaddib markii uu kooxda ku hoggaamiyay natiijooyin waaweyn sida ku guuleysiga Champions League iyo inuu kooxda kusoo celiyay boosaska afarta sare ee horyaalka Premier League isagoo shaqada Chelsea la wareegay bartamihii xilli ciyaareedkan.

“Ma qiyaasi karo dareen ka wanaagsan midkan oo kale” ayuu yiri Tuchel isagoo ka hadlay qandaraas kordhintiisa.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan ku qaato khibraddan iyo inaan qayb ka ahaado qoyska Chelsea” ayuu hadalkiisa ku daray macallinka Jarmalka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Tuchel ayaa bandhig heer sare la yimid bilihii ugu horreeyay ee xukunkiisa Stamford Bridge, waxaana taas ay Chelsea ku riixday inay heshiiskiisa u kordhiso.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close