Geeska Afrika oo guul ka gaartay kooxda Dekedaha kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League… +SAWIRRO

(Muqdisho) 04 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Geeska Afrika ayaa saddexda dhibcood ka heshay naadiga Dekedaha kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Geeska Afrika iyo Dekedaha ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 50-aad kooxda Dekedaha ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Anwar Saciid Cali Shakuunda.
Daqiiqad kaddib kooxda Geeska Afrika ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay ciyaaryahanka u xirta Lambarka 18-aad C/raxmaan, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay bar-bardhac 1-1 ah.
Daqiiqadii 90-aad kooxda Geeska Afrika ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 1-2 ka dhigay laacibka u xirta Lambarka 11-aad ee Mustaf.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Geeska Afrika kooxda Dekedaha, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.
SAWIRRO:
Gool FM.