Taageere kooxda Man City ah oo ganaax adag garka loo geliyey kaddib markii uu fal cunsuriyad ah kula kacay xiddigo ka tirsan Manchester United

(Manchester) 03 Juun 2021. Taageere ka tirsan Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ganaax adag garka loo geliyey kaddib markii uu fal cunsurinimo kula kacay xiddigo ka tirsan naadiga Manchester United.

Taageerahan ka tirsan Man City oo 42-sano jir ah ayaa lagu ganaaxay inuu bixiyo lacag dhan 500 oo gini iyo in muddo saddex sanadood ah uusan ka soo muuqan karin wax kubadda cagta la xiriira, kaddib markii uu sameeyey ficil cunsurinnimo ah oo uu kula kacay xiddigaha Manchester United ee Jesse Lingard iyo Fred kulankii derbiga ee ka dhacay garoonka Etihad xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Anthony Burke oo ah taageeraya Man City ayaa caabihiisa waxa uu ka soo jeedaa Painswick Road ee Wythenshawe, waxaana uu ka soo muuqday kulankii Manchester Derby ee dhacay bishii December ee sanadkii 2019-kii, iyadoo guud ahaan caalamka si toos ah looga daawanaayey.

Muuqaallo iyo sawirro la helay ayaa muujinaya in 42-sano jirkaan Burke uu afkiisa kala furay, isla markaana gacmihiisa kor u taagayey isagoo Daanyeerro ku tilmaamayay xiddigaha Madow ee Kooxda Man United.

Frank Coulson oo ka mid ahaa askartii ciyaartaasi taageerayaasha ilaalinayey ayaa caddeyn siiyay Maxkamada, isagoo sheegay inuu maqlay Burke oo ku dhawaaqaya ‘oo oo oo oo’, wuxuuna intaa ku daray inuu ‘boqolkiiba boqol hubay inay ahayd codka daanyeerka’.

“Weligeey horay uma arag,” Coulson ayaa u sheegay Maxkamadda sida laga soo xigtay Manchester Evening News, isagoo intaa raaciyey: “Waxaan dhihi lahaa waxay ahayd cunsuriyad.”

“Waxaan arkay nin weyn, nin weyn oo gar leh oo oronaya “oo, oo, oo, oo”, Boqolkiiba boqol taasi waa waxa uu sameynayay.”

Burke ayay Maxkamaddu ganaaxday Arbacadii shalay, waxaana lagu ganaaxay inuu bixiyo lacag dhan 500 oo gini iyo inuusan imaan karin muddo saddex sano ah meel lagu hayo arrimo ku saabsan kubadda cagta.

Ganaaxan ayaa ka dhigan inuusan awoodin inuu ka qeyb galo kulan kasta oo kubadda cagta ah muddadaas.

Arrintan cunsurinnimada ah ayaa waxa ay dhacday daqiiqaddii 67-aad ee kulankii Manchester Derby, markaasoo kooxda Ole Gunnar Solskjaer ay ciyaarta ku hoggaaminaysay 2-0.

Xiddigaha Manchester United ee falkan cusuriyadda ah lagula kacay ayaa waxa ay kala ahaayeen Lingard & Fred iyo si la mid ah Anthony Martial.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close