Kulammada uu xulka qaranka Belgium ka maqnaan doono Kevin De Bruyne ee tartanka Euro 2020 oo la sii ogaaday

(Brussels) 03 Juun 2021. Kevin De Bruyne ayaa qarka u saaran inuu seegi kulanka furitaanka koobka qarammada Yurub 2020 ee xulka qaranka Belgium la ciyaari doono Ruushka, xitaa haddii uu soo xirto Maarkarada wajiga ama cinjirka wajiga jugta ka difaaca sida uu xaqiijiyey Macallinka xulka ee Roberto Martinez.

De Bruyne ayaa dadaal ugu jira sidii uu taam ugu noqon lahaa tartankan, kaddib markii uu dhaawac daran ka soo gaaray Sanka iyo isha bidix kulankii kooxdiisa Manchester City ay guuldarrada kala kulantay Chelsea ee Final-ka Champions League.

Martinez ayaa ogeyn goorta uu diyaar noqon doono De Bruyne, isagoo xaqiijiyey inuu xiran doono Maarkaro si la mid ah xiddiga ay isku xulka yihiin ee Jan Vertonghen, kaasoo ku dhaawacmay isagoo ciyaarayay kulan ay kooxdiisa Tottenham wajahday Ajax labo sano ka hor.

“De Bruyne uma badna inuu taam u noqon doono kulanka koowaad, marka qofkii beddelaya waa inuu muujiyaa inuu diyaar yahay.” ayuu yiri Macallin Martinez.

Waxa uu Macallinku intaa ku daray in Maaskaraha uu xiran doono si la mid ah Jan Vertonghen ay go’aan ka gaareen ayna ku qanacsan yihiin arrintaas.

Xulka qaranka Belgium kaasoo Guruubka B kula jira xulalka Russia, Denmark iyo Finland ayaa kaalinta koowaad kaga jira xulalka Adduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close