Ronald de Boer oo ka hadlay mustaqbalka Lionel Messi iyo Ronald Koeman ee kooxda Bacelona

(Barcelona) 02 Juun 2021. Halyeeyga kooxda Barcelona ee Ronald de Boer ayaa saadaaliyay mustaqbalka kabtanka Blaugrana ee Lionel Messi, kaasoo aan wali shaacin go’aanka uu ku sii joogayo ama uga tagayo garoonka Camp Nou.

Qandaraaska Messi ee Barcelona ayaa dhacaya xagaagan, taas oo u ogolaaneysa inuu si bilaash ah uu kaga tagi karo Blaugrana, isla markaana uu ku biiri karo koox kasta, halka kooxda reer Spain ay rajeyneyso in kabtankooda ay sii heysan doonaan, xilli xiddiga reer Argentina uusan weli shaacin go’aanka ugu dambeeya.

Haddaba Halyeeyga kooxda Barcelona ee Ronald de Boer ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Lionel Messi, wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Messi uu faraxsan yahay, waxaana qiyaasayaa inuu sii joogayo, waan arki doonaa xilli ciyaareedka soo socda.”

Ronald de Boer oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay mustaqbalka Ronald Koeman ee garoonka Camp Nou, wuxuuna yiri

“Laakiin wali ma ogin haddii uu Ronald Koeman uu sii joogi doono waa inaan sugnaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close