RASMI: Liiska kama dambeysta ah ee xulka qaranka Talyaaniga oo lagu dhawaaqay… (Giacomo Raspadori oo ku jira)

(Rome) 02 Juun 2021. Waxaa la shaaciyey liiska kama dambeysta ah ee xulka qaranka Talyaaniga, waxaana 26-ka xiddig ee xulka Macallin Mancini ku jira Giacomo Raspadori.

Weeraryahanka Kooxda Sassuolo ee Giacomo Raspadori ayaa ku jira liiska kama dambeysta ah ee xulka qaranka Talyaaniga, laakiin Matteo Pessina, Matteo Politano iyo Gianluca Mancini ayaa laga saaray xulka.

Macallin Roberto Mancini ayaa shaxdiisa 26-ka ciyaaryahan ee kama dambeysta ah oo xulka qaranka Talyaaniga uga qeyb galaya ciyaaraha Euro 2020 ku soo daray Weeraryahanka Kooxda Sassuolo ee Giacomo Raspadori.

Raspadori waa xulasho lama filaan ah ku soo baxay, iyadoo la tixgelinayo inuusan weli ciyaarin kulankiisii ugu horreeyay ee xulka, wuxuuna kaliya ciyaaray 39 kulan oo horyaalka Serie A ah.

21-sano jirkaan ayaa ciyaaray 27 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan 2020-21, laakiin kaliya 13 kulan oo ka mid ah ayuu ku soo bilowday safka hore, isagoo lix gool u dhaliyey Kooxda Sassuolo oo ku dhammaysatay kaalinta siddeedaad.

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa wajahaya Jimcaha dhiggiisa Czech Republic kulankooda ugu dambeeye ee saaxiibtinnimo ka hor inta aysan ciyaarin tartankan Koobka qarammada Yurub, kaasoo dib loo dhigay muddo sanad ah sababo la xiriira faafaha Korona Fayras.

Xulka Azzurri ayaa wajihi doona Turkiga kulankooda furitaanka tartankan 16-ka bishan June, waxaana u xigi doona xulka Switzerland oo ay la ciyaari doonaan afar maalmood kaddib kulankaas, halka ay kulankooda ay ku dhammaysan doonaan heerka guruubyada ay wajihi doonaan xulka Wales 20-ka bishan June dhammaan kulammadaan oo dhan ayaana ka dhici doona Magaalada Rome ee Caasimadda Dalka Talyaaniga.

Liiska kama dambeysta ah ee xulka qaranka Talyaaniga uga qeyb galaya ciyaaraha Euro 2020 iyo Kooxaha ay xiddigaha u kala ciyaaraan:-

Gianluigi Donnarumma (Milan), Alex Meret (Napoli), Salvatore Sirigu (Torino); Francesco Acerbi (Lazio), Alessandro Bastoni (Inter), Leonardo Bonucci (Juventus), Giorgio Chiellini (Juventus), Giovanni Di Lorenzo (Napoli), Emerson Palmieri (Chelsea), Alessandro Florenzi (Paris Saint-Germain), Leonardo Spinazzola (Roma), Rafael Toloi (Atalanta); Nicolo Barella (Inter), Bryan Cristante (Roma), Jorginho (Chelsea), Manuel Locatelli (Sassuolo), Lorenzo Pellegrini (Roma), Stefano Sensi (Inter), Marco Verratti (Paris); Andrea Belotti (Torino), Domenico Berardi (Sassuolo), Federico Bernardeschi (Juventus), Federico Chiesa (Juventus), Ciro Immobile (Lazio), Lorenzo Insigne (Napoli), Giacomo Raspadori (Sassuolo).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close