Mogadishu City Club oo saddexda dhibcood ka heshay kooxda Jeenyo kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 02 Juun 2021. Mogadishu City Club ayaa saddexda dhibcood ka heshay kooxda Jeenyo kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Horseed iyo Heegan kula kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 68-aad kooxda Mogadishu City Club ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Feysal Xaashi.

84 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda kubadda cagta ee Jeenyo ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, kaddib markii ay kam ah iska dhaliyeen xiddigaha naadiba MCC.

Balse daqiiqadii 90-aad markale kooxda Mogadishu City Club ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 2-1 ka dhigay ciyaaryahan Olivier.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Mogadishu City Club kooxda Jeenyo, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close