Miralem Pjanic oo taleefanka kula hadlay macallinkiisii hore ee Massimiliano Allegri… (Miyuu doonayaa ku laabashada Juventus?)

(Barcelona) 02 Juun 2021. Laacibka khadka dhexe kaga ciyaara naadiga Barcelona ayaa shaki badan la gelinayaa mustaqbalkiisa, waxaana haatan soo if baxday arrin sheekadaas la xiriirta kaddib markii ay Tuttosport heshay inuu xiddigan taleefanka kala hadlay macallinka kusoo laabtay Juventus ee Massimiliano Allegri.

Xiddiga u dhashay dalka Bosnia-Herzegovina ayaa waqti ciyaareed aad u adag ku qaadanaya Barca isagoo saftay kaliya 19 ciyaarood oo La Liga kuwaasoo lix ka mid ah oo qura uu kusoo bilawday safka koowaad, waxaana wararku ay sheegayaan inuu miciin bidayo ku laabashada kooxdiisa hore.

Pjanic iyo Allegri ayaa kasoo wada shaqeeyay Bianconeri intii u dhexeysay 2016 illaa 2019, waxaana ay ku wada guuleysteen lix tartan oo gudaha Taliyaaniga laga ciyaaro.

Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in labada shaqsi ay ka wada hadleen inuu xiddigan ku laabto Allianz Stadium maadaama Allegri uu doonayo in safkiisa uu dib u habeyn ku sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, 31-jirka khadka dhexe ka ciyaara ayaa Juventus u saftay 178 kulan dhammaan tartammada isagoo usoo dhaliyay 22 gool halka 41 caawin uu sameeyay intii uu xirnaa maaliyadda The Old Lady.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close