Waa kuwee xiddigaha ay doonayso inay iska iibiso Manchester City si ay gacanta ugu soo dhigto Kane & Grealish?

(Manchester) 31 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa u baahan inay dhowr ciyaaryahan iska iibiso si ay gacanta ugu soo dhigto Kane & Grealish.

Wargeyska The Athletic ayaa warinaya kooxda Citizens lagu naynaaso ay u baahan tahay inay xiddigaheeda qaarkood iska iibiso si ay ugu dhaqaaqdo soo xero-gelinta Harry Kane iyo Jack Grealish.

Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya inuu safkiisa ku soo darsado dhowr ciyaaryahan, waxaana uu indhaha ku hayaa inuu soo qaato xiddigo ay ka mid yihiin Weeraryahanada Kooxda Tottenham ee Harry Kane iyo kubbad-sameeyaha kooxda Aston Villa ee Jack Grealish, laakiin kooxda haysata horyaalka Premier League ayaa marka hore doonaysa inay lacago dheeri ah ku hesho iibka ciyaartoydeeda qaarkood.

Gabriel Jesus, Aymeric Laporte iyo Raheem Sterling ayaa ka mid ah kuwa loo tixgelinayo in la iibin doono, iyadoo saddexda xiddigba aysan haatan ku qanacsanayn kaalintooda kooxda Man City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close