RASMI: Kooxda Barcelona oo dhammaystirtay saxiixa Sergio Kun Agüero

(Barcelona) 31 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dhammaystirtay saxiixa Weeraryahankii Manchester City ee Sergio Agüero sida ay goordhow shaacisay.

Barcelona iyo Sergio ‘Kun’ Agüero ayaa wada gaaray heshiis ah in ciyaaryahanku kooxda reer Spain ku soo biiro 01-da bisha July, markaasoo uu dhacayo heshiiskiisa kooxda reer England ee Manchester City.

Ciyaaryahanka ayaa saxiixi doona heshiis ku eg dhammaadka xilli ciyaareedka 2022/23 iyo in qandaraaskiisa lagu burburin karo adduun dhan 100 milyan oo euro.

Bixitaanka Aguero ee garoonka Etihad ayaa lagu dhawaaqay dhammaadka bishii Maarso kaddib markii Macallin Pep Guardiola uu ku wargaliyay xiddiga ugu goolasha badan Man City go’aanka kooxda ee ah inaysan qandaraaska u cusbooneysiineynin.

32-sano jirkaan, kaasoo ay Man City kala soo saxiixdeen Atletico Madrid sanadkii 2011-kii ayaa safashadiisa kulammada waxaa xaddiday dhaawacyo iyo xanuunno soo wajahay.

Aguero oo ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan taariikhda kooxda ayaa ka tagay Man City kaddib markii uu kula guuleystay shan horyaalka Premier League ah, hal FA Cup iyo lix League Cup.

Inkastoo uu ka caawiyay Man CIty dib u hanashada horyaalnimada Ingriiiska xilli ciyaareedkan haddana Aguero ayaa madaxiisa hoos aaddiyey kaddib markii uu bedel ku soo galay kulankii ay wajaheen Chelsea ee final-ka Champions League, oo kooxdiisa looga badiyay 1-0 ciyaar ka dhacday garoonka Estadio Do Dragao oo dhaca Magaalada Porto.

Xiddiga xulka qaranka Argentina ayaa dhaliyey 260 gool, 390 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan isagoo ka hoos ciyaarayay Macallimiinta Roberto Mancini, Manuel Pellegrini iyo Pep Guardiola, wuxuuna ka tagay isagoo ah gooldhaliyaha afaraad ee ugu goolasha badan taariikhda Premier League iyo gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda kooxda Man City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close