RASMI: Gianluigi Donnarumma oo ku guuleystay abaal-marinta Goolhayihii ugu fiicnaa Serie A xilli ciyaareedka & Kooxda Barcelona oo…

(Milano) 31 Maajo 2021. Goolhayaha ugu fiican horyaalka Serie A fasal ciyaareedka 2020/2021 ayaa loo doortay shabaq-ilaaliyaha Kooxda AC Milan ee Gianluigi Donnarumma.

14-jeer ayuu shabaqiisa oo nadiif ah garoonka ka baxay, iyadoo kaliya laga dhaliyey 38 gool 37 kulan oo uu ciyaaray, sidaas awgeed Donnarumma ayaa loo Magacaabay goolhayaha ugu wanaagsan horyaalka Serie A xilli ciyaareedka 2020/21.

Inuu shabaqiisa gool ka ilaashay 14 kulan si rikoor ah waxa uu kala mid yahay Handanovic, laakiin marka la eego badbaadinta ay sameeyeen labadan goolhaye waxaa sarreeya Donnarumma.

Handanovic ayaa xilli ciyaareedka sameeyey 78 badbaadin, halka goolhaye Donnarumma uu sameeyey 92 badbaadin.

Dhinaca kale kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah inay dalab ka gudbiso Goolhaye Gianluigi Donnarumma sida ay warinayso Jariiradda Mundo Deportivo.

Goolhayaha reer Talyaani ayaa ku sii dhowaanaya dhammaadka qandaraaskiisa Kooxda AC Milan, waxaana uu ka dhaqaaqi doonaa suuqa xagaagan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close