Maxay yihiin khuraafaadka uu Thomas Tuchel aaminsan yahay inay ka caawiyeen ku guuleysiga Champions League?

(London) 31 Maajo 2021. Chelsea ayaa fiinaalka UEFA Champions League ku garaacday kooxda kubadda cagta ee Manchester City 29-kii bishan May ciyaartii ka dhacday magaalada Porto ee dalka Portugal, waxaana jira xaqiiqooyin dheeraad ah oo laga soo calaamadeynayo kulankaas.

Naadiga Blues macallinkeeda Thomas Tuchel ayaa aaminsan quraafaadka iyo nasiibka sida ay qortay majaladda The Sun oo caddeymo soo raacisay qormadeeda.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa ku ciyaartay maaliyaddii ay ku ciyaareysay fasal ciyaareedkaan 2020-2021, waxaana ugu wacan quraafaadka uu aaminsan yahay Tuchel maadaama Blues laga adkaaday laba kulan oo ay xiratay maaliyadda loo sameeyey inay ku ciyaarto fasalka soo socda.

Kabaha uu Tuchel xirnaa waxaa hadiyad ahaan u siiyey madaxweynaha Paris Saint-Germain ee  Nasser Al-Khelaifi, tababaraba Jarmalka ah ayaana ballan qaaday inuu xiran doono haddii ay PSG gaarto fiinaalka Champions League, balse, nasiib xumo Paris ayuu kusoo iloobay kabihii, waxaana koobka ka qaadday Bayern Munich xilli ciyaareedkii hore.

And he thanked his lucky shoes for the win over Manchester City

Balse fiinaalkii Chelsea iyo Man City ayuu soo xirtay kabihii hadiyadda uu kaga helay madaxweynaha kooxda Faransiiska ka dhisan, waxaana uu Blues kula guuleystay Champions League.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close