Muxuu ka yiri David Alaba kaddib markii uu ku biiray kooxda Real Madrid?

(Madrid) 28 Maajo 2021. Ciyaaryahanka heerka caalami dalka Austria ee David Alaba ayaa wareysi gaar ah siiyay wargeyska “Bild” ee dalka Germany kaddib markii uu ku biiray kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Naadiga reer Spain ee Real Madrid ayaa shalay oo Jimco ah ku dhawaaqday inay dhameystirtay saxiixa daafaca reer Austria ee David Alaba oo ka yimid Bayern Munich.

Real Madrid ayaa ku guuleysatay inay ku lasoo saxiixato David Alaba beeca xurta ah, isaga oo ay ka saxiixatay heshiis 5-ta xilli ciyaareed ee soo socota.

David Alaba oo la hadlay wargeyska “Bild” ee dalka Germany ayaa wuuu ka hadlay dareenkiisa, wuxuuna yiri:

“13 sano oo aan la joogay Bayern Munich, muxuu waqti wacan ahaa, koobabka aan la tirin karin, laakiin haatan waxaan aad ugu faraxsanahay khibradeyda cusub ee Real Madrid ah.”

“Ma aanan kala dooran kooxo badan, Real Madrid ayaa ugu sareysay dooqyadeyda. Waxaan jeclaan lahaa inaan u dhaqaaqo kooxdan oo aan bilaabo taariikh cusub, hadana aad ayaan u faraxsanahay.”

Yeelkeeda, Real Madrid ayaa war rasmi ah ay soo saartay Jimcihii shalay waxay si rasmi ah ugu shaacisay in David Alaba ay ka saxiixatay mudo 5 sano ah, kaasoo gaaraya ilaa iyo xagaaga 2026.

David Alaba ayaa sugi doona magaca tababaraha uu kula shaqeyn doona Real Madrid kaddib iscasilaadii rasmiga ahayd ee Zinedine Zidane maalmo kahor.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close