RASMI: Tababare Zinedine Zidane oo ka tagay Kooxda Real Madrid

(Madrid) 27 Maajo 2021. War goordhow soo dhacay ayaa ku warramaya in Tababare Zinedine Zidane uu markiisii labaad isaga tagay Kooxda Real Madrid.

Kooxda ka dhisan caasimadda Spain ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Zinedine Zidane iyo kooxdu ay kala tageen oo ay labo waddo kala raaceen.

“Kooxda kubadda cagta Real Madrid waxa ay ku dhawaaqaysaa in Zinedine Zidane uu go’aansaday inuu soo afjaro marxaladda uu haatan ku jiro ee tababaraha kooxdeenna.

“Hadda waxaa la joogaa waqtigii la ixtiraami lahaa go’aankiisa oo aan muujinno sida aan ugu qanacsan nahay xirfaddiisa, naf-hurnimadiisa iyo qiiradiisa sanadahaan oo dhan iyo sida uu u matalayo shaqsiyaddiisa Real Madrid.

“Zidane waa mid ka mid ah sheekooyinka waa weyn ee Real Madrid, halyeygu wuxuu dhaafsiisan yahay wixii uu soo ahaa ee tababaraha iyo ciyaaryahanka kooxdeenna.

“Wuxuu ogyahay inuu udub dhexaad u yahay Real Madrid, isla markaana ay Real Madrid tahay gurigiisana waligiisna ay ahaan doonto.”

Tababaraha reer France ayaa Zidane ayaa Kooxda Real Madrid kula guuleystay saddex Champions League, labo horyaalka La Liga, labo Supercopa, labo Super Cup iyo labo Koobka Kooxaha Adduunka ah (Club World Cup).

Dhinaca kale warar aan la hubin oo horudhac ah ayaa waxa ay sheegayaan inuu Zidane ku sii jeedo kooxda kubadda cagta Juventus oo uu Tababare u noqon doono.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close