Marcus Rashford oo la kulmay weerar culus kaddib guuldarradii xalay soo gaartay kooxdiisa Manchester United

(Manchester) 27 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa xalay lagu garaacay fiinaalka tartanka Europa League kaddib markii gool-ku-laadyo 11-10 ah ay koobka ku qaadday naadiga Villarreal.

Natiijadaas ayaa keentay in qaar ka mid ah xiddigaheeda lagu weeraro baraha bulshada iyo lagu aflagaaddeynayo ereyo ka tarjumaya midab-sooc.

“Ugu yaraan 70 aflagaaddo oo midab-takoor ah ayaan ka tiriyay baraheyga bulshada, kuwa doonaya inay iigaga ii daraan xaaladdeyda hadda waxaan leeyahay nasiib wacan” ayuu Marcus Rashford oo weerarka kaga ciyaara Man United kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Red Devils ayaa geesta kale caddeysay in kaddib fiinaalkii Europa League ay xiddigaheeda la kulmeen aflagaaddo jisaar ah oo ay la socoto midab-sooc, waxayna taageerayaasheeda ka dalbatay qofkii ay ku arkaan isagoo u gafaya qofnimada xiddigaheeda uu wargeliyo shirkadda Twitter.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close