Liverpool oo baddelka Gini Wijnaldum ka dhex aragtay Leicester City…(Waa kuma xiddiga ay ka dooneyso?)

(Liverpool) 27 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa baadi goobeysa saxiixa xiddig ka ciyaara khadka dhexe kaasoo baddel u noqon kara laacibka Anfield macsalaameeyay ee Georginio Wijnaldum Wijnaldum.

Sidaas darteed, Reds ayaa dareenkeeda usoo jeedisay laacibka khadka dhexe uga ciyaara naadiga Leicester City ee Youri Tielemans kaasoo lala xiriirinayo inuu xagaagan isaga tagayo garoonka King Power Stadium.

Warsidaha Het Nieuwsblad oo kasoo baxa dalka Belgium ayaa sheegay sababtii uu dareenka murugada leh uga baxay ciyaartii ugu dambeysay ee ay Leicester ciyaartay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League aysan ahayn kaliya inay kooxdiisa lumisay booska Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, balse sidoo kale waxa uu maanka ku hayay inay tahay ciyaartiisii ugu dambeysay ee kooxda The Foxes sida warsidaha uu qabo.

Dhinaca kale, kooxda Premier League ku guuleysatay sanad ciyaareedkii 2015-16 ayaa heshiis la gaartay naadiga Lille oo ay kasoo qaadaneyso Boubakary Soumare xagaagan, sidaas darteedna waxay qorsheyneysaa inay Tielemans albaabada u furto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close