Horudhac: Villarreal vs Man United, Unai vs Ole & Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Final-ka Europa League

(Gdansk) 26 Maajo 2021. Kooxaha Villarreal iyo Manchester United ayaa cawa isku qaban doona Magaalada Gdansk ee dalka Poland, waxaana ay halkaas ku wada ciyaari doonaan kama dambeysta Koobka Europa League.

Ole Gunnar Solskjaer oo isagoo ka mid ahaa xiddigaha Manchester United ku soo guuleystay tartanka Champions League ayaan wax koob ah ku guuleysan tan iyo markii uu qabtay xilka tababarennimo ee kooxda fasal ciyaareedkii 2018-19.

Man United ayaan dhankeeda ku guuleysan wax koob ah oo weyn muddo afar sanadood ah, laakiin Tababare Solskjaer waxa uu kalsooni weyn ku qabaa inay garaacayaan Villarreal kuwaasoo ku dhammaystay kaalinta todobaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan 2020-21.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europa League Final

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stadion Energa Gdansk

Garsooraha: Clement Turpin (France)

Wararka kooxaha:-

Samuel Chukwueze ayaa u muuqda mid dhaawac muruqa ah kaga maqnaanaya kulankan Villarreal, taasoo dhabar jab weyn ku ah kooxda reer Spain, halka ciyaaryahanka Tottenham ee Juan Foyth uu isna shaki weyn ku jiro.

Pau Torres waa shaqsi ay si aad ah loola xiriirinayay Manchester United suuqii xagaaga, waxaana uu ku soo bilaaban doonaa daafaca dhexe ee kooxda Unai Emery.

Carlos Bacca iyo Paco Alcacer ayaa tartan ugu jira sidii ay ugu soo bilaaban lahaayeen weerarka, iyagoo ka garab ciyaaraya xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Gerard Moreno.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaan rajo badan ka qabin in kabtanka Harry Maguire uu ka soo kabsan doono dhaawac canqowga ah oo uu ciyaari doono kulankan final-ka ee Arbacada caawa, laakiin waxa uu siin doonaa fursad kasta oo uu ku muujiyo inuu taam yahay.

Daafaca Phil Jones iyo Weeraryahanka Anthony Martial ayaan weli la heli karin oo kulanka caawa ka maqnaan doona Kooxda Manchester United.

Axel Tuanzebe ayaa u muuqda mid ku bilaaban doona booskaas garabka bidix ee daafaca dhexe, halkii Eric Bailly uu ka hor imaan lahaa kooxdiisii hore, David De Gea ayaana la filayaa inuu ku soo bilowdo goolka ka hor Goolhaye Dean Henderson.

Mason Greenwood wuxuu dareemi karaa inuusan shaqo adag qabanin haddii uusan ku soo bilaaban safka hore, waxaana la isku raacsan yahay inuu kaga fiican yahay dhanka midig Marcus Rashford, laakiin waxay noqon kartaa arrin weyn oo ka imanaysa Solskjaer inuu keydka dhigo Rashford.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kani waa final-kii siddeedaad ee tartan weyn oo Yurub ah oo ay ciyaarayso Manchester United, waana kooxda labaad ee Ingiriis ah ee inta ugu badan final-ka Yurub gaartay kaddib Liverpool oo 14 goor iska xaadirisay, waxaana Man Utd ay guuleysatay shan ka mid ah todobadii final oo ay tartammada Yurub hore u ciyaareen, iyagoo kaliya Guuldarro kala kulmay Barcelona tartanka Champions League labadii fasal ciyaareed ee 2008-09 iyo 2010-11.

>- Kooxaha Villarreal iyo Man United ayaa kulmaya markoodii shanaad, mid kasta oo ka mid ah afartoodii is-arag ee la soo dhaafay ayaana ku dhammaaday barbaro goolal la’aan 0-0 tartanka Champions League intii u dhexeysay 2005-06 iyo 2008-09.

>- Ole Gunnar Solskjaer ayaa kaliya markiisii labaad gaaray final-ka waayihiisa tababarennimo, waxaana uu kooxda Molde la qaaday Norwegian Cup sanadkii 2013-kii, iyadoo Solskjaer uu noqon karo tababarihii ugu horreeyey ee Norwegian ah kaasoo ku guuleysta tartan weyn oo Yurub.

>- Kaddib 19 sano iyo 237 maalmood, xiddiga Manchester United ee Mason Greenwood ayaa noqon kara kaliya da’yarka labaad oo Ingriis ah ee gool ka dhaliya final weyn oo Yurub ah kaddib Brian Kidd, kaasoo gool dhaliyay dhalashadiisii 19-aad isagoo ka tirsan Man United final-kii Koobkii Yurub ee sanadkii 1968 oo ay wajaheen Benfica.

>- Weeraryahanka Man United ee Edinson Cavani ayaa shan gool dhaliyey labo kalena caawiye ka ahaa kaliya 247 daqiiqo oo uu ciyaaray tartanka Europa League xilli ciyaareedkan, cel-celis ahaanna gool ayuu dhaliyay ama gool ayuu caawiyey 35-kii daqiiqaba.

>- Kooxda Villarreal ayaa barbaro gashay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahaday Manchester United tartammada oo dhan.

>-Villarreal ayaan la garaacin 14-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Europa League.

>- Kooxda Villarreal ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciayartay Man Utd tartammada oo dhan.

>- Man United ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Villarreal tartammada oo dhan.

>- Man United ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Europa League.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close