Pep Guardiola oo qishay kooxda uu Sergio Aguero ku dhow yahay inuu ku biiro…(Barcelona mise?)

(Manchester) 24 Maajo 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si horudhac ah u sheegay kooxda uu Sergio Aguero ku biiri doono marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.

32-jirka weerarka ka ciyaara ayaa Etihad Stadium ka dhaqaaqi doona xagaagan marka uu dhammaado heshiiskiisa, waxaana uu ku dhow yahay ku biirista naadiga Barcelona sida uu sheega Macallin Guardiola.

“Laga yaabee inaan sir sheegayo” ayuu Guardiola u sheegay barnaamujka Match of the Day ee ka baxa BBC.

“Laga yaabee inuu ku dhow yahay inuu heshiis la gaaro koox qalbigeyga ku taalla – Barcelona.

“Waxa uu ka garab ciyaari doonaa kan ugu wanaagsan taariikhda, Messi” ayuu hadalkiisa kusii daray tababaraha Isbaanishka ah.

Guardiola ayaa sidoo kale qiray inuu aamisan yahay inuu Aguero sii xoojin karo Barcelona marka uu garoonka ku jiro.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka reer Argentina ayaa Manchester City u saftay 389 kulan isagoo u dhaliyay 260 gool, waana gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda naadiga Citizens.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close