Thiago Silva oo sheegay sida kaliya ay kaga adkaan karaan Man City kulanka finalka Champions League

(London) 21 Maajo 2021. Daafaca kooxda Chelsea ee Thiago Silva ayaa wuxuu shaaca ka qaaday qaabka kaliya ay kaga guuleysan karaan Manchester City kulanka ay kuwada ciyaari doonaan finalka Champions League, 29-ka bisha May ee soo socota.

Silva ayaa lix xilli ciyaareed la qaatay kooxda Paris Saint-Germain, wuxuuna xagaagii la soo dhaafay Silva ku biiray Blues isaga oo ku guulaystay in uu isku muujiyo, taasoo ka dhigtay in qandaraaskiisa loogu daro hal xilli ciyaareed kale.

Thiago Silva oo ka hadlayay ciyaarta finalka Champions League ay ku wada ciyaari doonaan Manchester City 29-ka May ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan u maleynayaa inaan heysano qorshe ciyaareed cad, difaac adag, aad u fiican oo awood u leh inaan dhanka weerarka u leexanno.”

“Manchester City waa koox leh farsamo aad u fiican waxayna leeyihiin qorshe ciyaareed cad, kubadda wey ceshan karaan oo cadaadis ayey saari karaan kooxda ka soo horjeeda waana inaan si buuxda diirada u saarnaa.”

“Si aad uga guuleysato kooxda Guardiola waa inaad si fiican u difaacdaa waana tan uu ujeedkeena noqon doono.”

Isagoo ka hadlaya la shaqeynta tababaraha Jarmalka ee Thomas Tuchel wuxuu yiri:

“Lampard wuxuu isiiyay fursad aan ku imaado oo aan ugu ciyaaro Chelsea, waan ku qancay, laakiin arrimuhu si fiican ugama aysan fiicneyn isaga, waan murugooday sababtoo ah wuu baxay, laakiin waxaan ku farxay imaatinka Thomas Tuchel oo xiriir wanaagsan aan kula soo yeeshay kooxda PSG, waa wax wanaagsan inaan helo fursad aan markale kula ciyaarayo finalka Champions League isla macalinkii.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close