Tababare Koeman oo si RASMI ah u shaaciyey liiska 21-ka ciyaaryahan ee Barcelona oo uu kala qeyb galayo kulanka Eibar… (Yaa ka maqan yaase ku soo baxay?)

(Barcelona) 21 Maajo 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaciyay liiska 21-ka ciyaaryahan ee uu ku shaqayn doono kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga ay habeen dambe booqan doonaan naadiga Eibar.

Liiska xiddigaha uu magacaabay Ronald Koeman kulanka ay habeen dambe booqan doonaan Eibar waxaa ka maqan kabtanka kooxda ee Lionel Messi iyo goolhaayaha koowaad ee naadiga Marc-André ter Stegen.

Tababaraha reer Holland ee Ronald Koeman ayaa kulanka habeen dambe ay kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga kooxda Eibar wuxuu heli doonaa dhammaan xiddigihiisa kale ee muhiimka ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Barcelona ay kala qeyb galayso kulanka Eibar oo ay habeen dambe ku booqan doonaan garoonka Municipal de Ipurua.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close