RASMI: Cristiano Ronaldo oo hoggaaminaya liiska xiddigaha xulka qaranka Portugal uga qeyb galaya ciyaaraha EURO 2020

(Portugal) 21 Maajo 2021. Macallinka Portugal ee Fernando Santos ayaa magacaabay liiska xiddigaha xulkiisa uga qeyb-galaya xagaagan tartanka qarammada Yurub ee EURO 2020, kaas oo la qaban doono laga bilaabo June 11 ilaa July 11.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska “Marca” ee dalka Spain, 11 ciyaartooy oo ka mid ah liiskan ka kooban 26 ciyaartoy ayaa waxay ka soo qayb qaateen koobkii Euro 2016 uu ku guuleystay xulka Portugal.

Portugal ayaa qeyb ka ah group-ka ay ku jiraan xulalka Hungary, Germany iyo France, waxayna la ciyaari doonaan  kulankooda ugu horeeya xulka Hungary 15 bisha June, kahor inta aysan la ciyaarin Germany 19 June, waxayna kulankooda ugu dambeeya ee wareega group-yada ay ku soo gaba gabeyn doonaan kulanka ay la ciyaari doonaan France 23 June.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddiga xulka qaranka Portugal oo dhammaystiran:-

Goolhaayayaasha: Anthony Lopes (Olympique Lyon), Rui Patricio (Wolves), Rui Silva (Granada)

Difaacyada: Joao Cancelo (Manchester City), Nelson Semedo (Wolves), Jose Fonte (Lille), Pepe (Porto), Ruben Dias (Manchester City), Nuno Mendes (Sporting), Raphael Guerreiro (Borussia Dortmund)

Khadka dhexe: Danilo Pereira (Paris St Germain), Joao Palhinha (Sporting), Ruben Neves (Wolves), Bruno Fernandes (Manchester United), Joao Moutinho (Wolves), Renato Sanches (Lille), Sergio Oliveira (Porto), William Carvalho (Real Betis)

Weerarka: Pedro Goncalves (Sporting), Andre Silva (Eintracht Frankfurt), Bernardo Silva (Manchester City), Cristiano Ronaldo (Juventus), Diogo Jota (Liverpool), Goncalo Guedes (Valencia), Joao Felix (Atletico Madrid), Rafa Silva (Benfica)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close