Harry Kane oo doortay kooxdiisa cusub

(London) 21 Maajo 2021. Wargeysyada gudaha dalka England ayaa maanta oo Jimco ah waxay shaaca ka qaadeen horumar cusub oo ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka Tottenham Hotspur ee Harry Kane.

Warar dhowr ah ayaa sheeganayay in Harry Kane uu codsaday inuu ka tago Tottenham dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Sida laga soo xigtay wargayska “The Times” ee dalka England, Kane wuxuu heshiis afka ah la galay madaxweynaha kooxda Tottenham Hotspur ee Daniel Levy, si loogu ogolaado inuu ka tago kooxda sanadkan.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in Harry Kane uu doonayo inuu ku biiro kooxda Manchester City, si uu uga hoos shaqeeyo hoggaamiyaha reer Spain ee Pep Guardiola.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in kooxda Tottenham Hotspur ay weydiisan doonto adduun lacageed dhan 175 million euros, si ay u fasaxdo weeraryahanka reer England xagaaga soo socda.

Wargayska “The Times” ayaa sheegay in haddii Manchester City ay dalab rasmi ah gudbiso, Tottenham Hotspur ayaa weydiisan doonto in weeraryahanka Cityzens ee Gabriel Jesus uu qeyb ka noqdo heshiiska, gaar ahaan maadaama uu kursiga keydka fariisan doono kaddib imaatinka Kane ee garoonka Etihad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close