Sergio Aguero oo qarka u saaran inuu tijaabada caafimaadka u maro Kooxda Barcelona

(Barcelona) 20 Maajo 2021. Sida wararku ay sheegayaan Weeraryahanka Kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa qarka u saaran inuu tijaabada caafimaadka u maro Barcelona.

Sergio Aguero ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona Barcelona kaddib marka uu ciyaaro kulanka Final-ka Champios League, kaasoo uu ballan qaaday inuusan ka tagi doonin Manchester City illaa uu u gacan geliyo Koobka Horyaallada Yurub.

Hadda Manchester City ayaa Final-ka Champions League waxa ay la ciyaari doontaa kooxda Chelsea sagaal maalmood kaddib, waxaana haddii Sky Blue ay koobkan gacanta ku dhigto sidaas ku rumoobi doona ballanqaadkii uu hadda ka hor sameeyey Aguero ee ahaa inuusan ka tagaynin Etihad illaa uu kooxda ka dhisan kula guuleysto Champions League.

Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaya in heshiiska uu beeca xorta ugu dhaqaaqayo garoonka Camp Nou la ku raacay inuu dhacay boqolkiisa 80, iyadoo waqtiyada dhow la sheegayo inuu tijaabada caafimaad uu u mari doono Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close