RASMI: Liverpool oo soo bandhigtay maaliyadda ay gurigeeda kula ciyaari doonto xilli ciyaareedka dambe…(Xilliga ay ku ciyaari doonto kulanka ugu horreeya, xilliga la iibsan karo & naqshaddeeda)

(Liverpool) 20 Maajo 2021. Shirkadda Nike iyo kooxda kubadda cagta Liverpool si rasmi ah usoo bandhigay maaliyadda xilli ciyaareedka 2021-22 ay garoonkeeda kula ciyaari doonto.

Waa naqshaddii labaad ee ay Nike u sameyneyso Liverpool kaddib markii xagaagii hore dhanka maaliyada u sameynta Reds ay kala wareegtay shirkaddii New Balance.

Kooxda horyaalka Ingiriiska hanatay fasalkii hore ayaa maaliyaddan cusub  ku ciyaari doonta kulanka ay Axadda garoonkeeda kusoo dhoweyneyso naadiga Crystal Palace, iyadoo suuqana lasoo dhigi doono 3-da bisha June ee sanadkan si loo iibsado.

Shirkadda Standard Chartered oo maalgelineysa maaliyadda Liverpool ee xilli ciyareedka dambe ayaa astaantooda lagu soo muujin doonaa caloosha hore ee maaliyadda halka shirkadda kale ee iyaduna taabo gelinta qaybta ka ah ee Expedia ay astaantoodu kasoo muuqan doonto gacanta bidix ee maaliyadda.

Haddaba halkan hoose ka eeg maaliyadda ay shirkadda Nike u sameysay Liverpool:

New 'leaked' images of Liverpool's 2021/22 home kit

Liverpool new kit: Leaked images show full view of striking new strip |  GiveMeSportZgodba Se spremeni v storila nike liverpool leaked - socialmediathon.org

New 'leak' of rumoured Liverpool FC kit for 2021/22 gives closer look -  Liverpool FC - This Is Anfield

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close