Messi, Koeman, Pique, Sergio, Griezmann, Coutinho… (Ma dhammaaday waqtigooda Barcelona?)

(Barcelona) 20 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dib u habeyn rasmi ah wajaheysa suuqa xagaagan iyadoo la filayo in saxiixyo dhowr ah kusoo biiraan xiddigo waaweynna laga diro Camp Nou.

Waxaa sidoo kale shaki weyn ku jiraa mustaqbalka macallinka kooxda ee Ronald Koeman iyo Lionel Messi, inkastoo Barca ay dooneyso inay dadaal walba u sameyso si uu kabtanka baaqi ugu sii ahaado kooxda oo ay heshiis cusub ku qanciso.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib ciyaarta Sabtida ay kooxda Barca la ciyaareyso naadiga Eibar, waxaa la macsalaameyn karaa shaqsiyaad meel weyn kaga yaalla kooxda, waxaana qoraalkan hoose ay MARCA ku faaqidday cidda uu sameynayo qorshaha madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta.

Ronald Koeman

Doodda ugu badan ayaa ka tagan booska macallinka Barcelona kaddib xilli ciyaareed niyad-jab leh oo ay ku dhammeysteen fasalkan 2020-21, waxaana uu yahay shaqsiga ugu horreeya ee uu madaxweynaha Barca uu la kulmayo si ay isula meel dhigaan mustaqbalkiisa iyo qorshaha xilli ciyaareedka dambe.

Lionel Messi

Haddii Koeman xaaladdiisa ay tahay tan ugu horreyso ee miiska saaran, tan Messi ayaa iyaduna ah tan ugu muhiimsan ee miiska saaran iyadoo Laporta uu geed walba u fuulayo si uu ugu qanciyo kabtanka kooxdiisa inuu nagi kusii ahaado Camp Nou isla markaasna ay wada dhisaan mashruuc guuleysta, balse dadaallada iyo qorshaha Laporta kama dhigno inay hubanti tahay inuu Messi sii joogi doono, waana suuro gal inuu soo af-jaro waayihiisa Blaugrana.

Antoine Griezmann

Bandhigga soo hagaagay ee Griezmann ma ahan sababta ay Barca suuqa u geyneyso, hase ahaatee, waxay dooneysaa inay lacag ka hesho iibkiisa si ay saxiixyo cusub suuqa uga soo qaadato, sidaas darteed, waa suuro gal inuu halkan ku eg yahay waqtigiisa Barcelona.

Xaraashka

Sida aan kor kusoo xusnayba, Griezmann xaaladdiisa iyo shaqada uu kooxda u hayo iskuma xirna, hase ahaatee, waxaa jira xiddigo badan oo loo arko inay kooxda ka maaranto sidaas darteedna suuqa la geynayo si ugu yaraan qiimo isku dar ahaan macquul ah looga helo,waxaana xiddigaha bannaanka la wari doono ku jira Philippe Coutinho, Samuel Umtiti, Miralem Pjanic, Junior Firpo, Matheus Fernandes iyo Martin Braithwaite.

Darbiga duqoobay

Marka laga soo tago Lionel Messi, Barcelona ayaa diyaar u ah inay fasaxdo qaar ka mid ah xiddigihii mar Camp Nou ka ahaa lama-taabtaan sida Gerard Pique, Sergio Busquets, Jordi Alba iyo Sergi Roberto.

Si cad looma bayaanin in xiddigahan suuqa la dhigi doono hase ahaatee, duruufaha dhaqaale ee kooxda ayaa kalifi kara inay xaraashto laacibiinta guulaha lasoo qaybsaday Barca balse hadda ay tabartu u run sheegeyso.

Saxiixyada da’yarrada iyo qorshaha dhallinyarada

Barcelona ayaa dooneysa inay dhiig cusub oo caabboon ay kusoo kordhiso safkeeda sida saxiixyo xiddigo dhallinyaro ah iyo da’yarta haatan bandhigga wacan ka sameynaya Barcelona sida Ronald Araujo, Ilaix Moriba iyo Oscar Mingueza kuwaasoo shaqo wanaagsan qabtay xilli ciyaareedkan, waxaana sidoo kale ay ku dhowdahay ku dhawaaqista saxiixa Eric Garcia oo la fahansan yahay inay gacanta kusii dhigtay.

Ousmane Dembele

Ugu dambeyn, Blaugrana ayaa tirsaneysa laacibka Faransiiska ah, waxaana sida la soo sheegayo uu qayb ka yahay qorshaha Laporta ee xilli ciyaareedyada soo socda kaddib bandhigga wanaagsan ee fasalkan, waxaana haatan ay Barcelona usoo bandhigeysaa laacibkan qandaraas cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close