Dagaalka labada Manchester ee ku aaddan Harry Kane oo meel xiiso leh maraya…(Maxay ku kala fursad duwan yihiin United iyo City?)

(Manchester) 20 Maajo 2021. Kaddib markii uu dhowaan Harry Kane ogeysiiyay kooxda Tottenham inuu doonayo in la fasaxo xagaagan, waxaa hoggaanka kooxaha ku dagaallamaya saxiixiisa uu u batay dhanka magaalada Manchester maadaama ay baacsanayaan Manchester City iyo Manchester United.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya inay Man City haatan ku horreyso loollanka saxiixa Kane iyadoo diyaar u ah inay wada hadallo la bilawdo guddoomiyaha Spurs ee Daniel Levy.

Dhiirranaanta Citizens ayaa la soo sheegayaa inay salka ku heyso maadaama Kabtanka xulka qaranka England uu albaabada u furay ku biirista kooxda ka dhisan Etihad Stadium.

Dhinaca kale, Man United qudheeda ayaa diyaar u ah inay Tottenham kala xaajooto iibka Kane si ay ugu daboolaan baahida weerarka dhexe, inkastoo dhowaan heshiiska loo kordhiyay Edinson Cavani.

Chelsea ayaa sidoo kale daraf shishe kaga dheggan loollanka lagu doonayo 27-jirka ku wanaagsan gooldhalinta balse macallinka Blues ee Thomas Tuchel ayaa indho indheynaya dookhyo kale oo ka qiimo jaban.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close