Barcelona oo war si rasmi ah ka soo saartay xaalada dhaawac ee goolhaayaheeda Marc-André ter Stegen

(Barcelona) 20 Maajo 2021. Kooxda Barcelona ayaa war si rasmi ah ka soo saartay xaallada dhaawac ee goolhaayaheeda reer Germany ee Marc-André ter Stegen.

Marc-André ter Stegen oo dhaawac ka soo gaaray dhanka jilibka ayaa helay daaweyn dhab ah oo qaadatay labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Barcelona ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku sheegtay in goolhaayaheeda Marc-André ter Stegen uu maray qaliin, wuxuuna bayaanka u dhignaa sidan:

“Qaliinkii uu dhakhtar Håkan Alfredson kaga sameeyay ter Stegen dhanka jilibka lugtiisa midig wuxuu ku dhamaaday si guul ah, iyadoo ay korjoogayaal ka ahaayeen waaxda adeegyada caafimaadka ee kooxda.”

Bayaanka Barcelona ayaa wuxuu muujinayaa in ku soo laabashada goolhayaha garoomada markale ay ku xirnaan doonto xawaaraha soo kabsashadiisa iyo qabashada barnaamijkiisa daaweynta muddada soo socota.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu sheegay in Marc-André ter Stegen ay hubaal tahay inuu ka maqnaan doono xulkiisa qaranka Jarmalka Koobka Qaramada Yurub ee soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close