RASMI: Muller iyo Hummels oo ku soo laabtay liiska xiddigaha xulka qaranka Jarmalka ugu qeyb galaya koobka qarammada Yurub

(Germany) 19 Maajo 2021. Macallinka Jarmalka ee Joachim Low ayaa magacaabay liiska xiddigaha xulkiisa uga qeyb-galaya xagaagan tartanka qarammada Yurub ee EURO 2020, kaas oo la qaban doono laga bilaabo June 11 ilaa July 11.

Joachim Low ayaa dib ugu yeeray xulka Jarmalka xiddigaha Thomas Muller iyo Mats Hummels tartankiisii ​​ugu dambeeyay ee uu maamulo xulka Die Mannschaft.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddiga xulka qaranka Germany oo dhammaystiran:-

Goolhayeyaasha: Neuer, Leno, Trapp

Daafacyada: Ginter, Gosens, Günter, Halstenberg, Hummels, Klostermann, Koch, Rüdiger, Süle

Khadka dhexe: Can, Goretzka, Gündogan, Hofmann, Kimmich, Kroos, Neuhaus, Musiala

Weerarka: Gnabry, Havertz, Müller, Sané, Volland, Werner.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close