RASMI: Chelsea oo ku dhowaaqday laacibka ugu wanaagsan kooxdeeda xilli ciyaareedkan 2020-21… (Yaa ku guuleystay?)

(London) 18 Maajo 2021. Kaddib codeyn ay Chelsea ku hordhigtay taageerayaasheeda inay doortaan xiddiga ugu wanaagsan xilli ciyaareedkan ayaa ay jamaahiirtu ku doorteen laacibka ugu wanaagsan xilli ciyaareedkan 2020-21.

Laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee Mason Mount ayaa ku guuleystay xiddiga ugu wanaagsan Chelsea xilli ciyaareedkan gabo-gabada ah isagoo codad badan ku qaaday sida ay kooxda ka dhisan Galbeedka London ku xaqiijisay boggeeda rasmiga ah ee internet-ka.

Pin de bur 🇮🇶 | Football HQ em Mason Mount | Futebol, Esportes, Masculino

Mount ayaa isagoo heysta abaal-marintan caawa lagu soo bandhigi doonaa Stamford Bridge kahor inta aanan la baasan kulanka ay Blues caawa la ciyaareyso naadiga Leicester City iyadoo taageerayaasha Chelsea imaan doonaan garoonka kooxdooda markii ugu horreysay tan iyo December.

Si kastaba ha ahaatee, 22-sano jirkan ayaa door cajiib ah ku lahaa shaxda iyo farsamada Frank Lampard iyo Thomas Tuchel oo xilli ciyaareedkan ku fariistay kursiga laga maamulo xiddigaha Chelsea, isagoo dhanka kale bandhig cajiib ah ka sameeyay ka qayb qaadashada weerarka kooxda maadaama uu dhaliyay sagaal gool isla markaasna uu caawiyay toddobo kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close