Miyey Kooxda Arsenal soo gabagabaysay xiisihii ay u haysay Eduardo Camavinga?

(London) 18 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay biyo qabow ku shubtay xiisihii ay u haysay ciyaaryahan Eduardo Camavinga.

Jariiradda Express Sport ayaa warinaysa in kooxda reer London ee Arsenal ay soo gabagabaysay xiisihii ay u haysay xiddiga khadka dhexe ee Naadiga Rennes, Eduardo Camavinga.

Da’yarkaan ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha loogu doon-doonista badan yahay qaaradda yurub.

Kooxda lagu naynaaso Gunners ayaa haatan la warinayaa inay aqbashay iinaysan jirin fursad ay ku heli karaan saxiixa Camavinga, sidaas darteed waxaa warbixin lagu sheegay inay soo gabagabaysay xiisihii ay u haysay xiddigan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close