Liverpool oo indhaha ku haysa Bruno Fernandes-ka xiga… (Waa kee xiddigaasi, Kooxdee ayuuse ka tirsan yahay?)

(Liverpool) 18 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta Liverpool ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa la soo warinayaa inay indhaha ku hayso inay la soo wareegto Bruno Fernandes-ka xiga sida wararku ay sheegayaan.

Wargeyska Record ayaa warinaya in Kooxda Liverpool ay eegeyso suuro-galnimada ay kula soo wareegeyso laacibka khadka dhexe ee Sporting, Pedro Goncalves.

22-sano jirkaan, kaasoo 22 gool dhaliyey saddex gool oo kalena caawiye ka ahaa xilli ciyaareedkan ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay Bruno Fernandes-ka xiga.

Macallin Klopp ayaa u baahan inuu iska xoojiyo khadka dhexe kaddib markii kooxda Reds ay qaab ciyaareed aan hagaagsanayn soo bandhigtay kal ciyaareedkan gabagabada ah.

Video) Pedro Goncalves skills & goals: Latest midfielder linked as Gini  replacement

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close