Kooxda Brighton oo guul soo laabasho ah ka gaartay 10 xiddig oo kooxda Manchester City ah… +SAWIRRO

(Brighton) 18 Maajo 2021. Kooxda Brighton ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay 10 xiddig oo kooxda Manchester City ah, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 37-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 2-aad ee bilawogii ciyaarta Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Ilkay Gundogan, kaddib markii uu caawin ka helay Riyad Mahrez.

10 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xiddiga reer Portugal ee Joao Cancelo ayaa qaatay kaarka roosaha taasoo ka dhigtay in Manchester City ay ku ciyaarto 10 xiddig.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

48 daqiiqo markeey dheesha mareysay Manchester City ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay laacibkeeda da’ada yar ee Phil Foden.

Daqiiqadii 50-aad kooxda Brighton & Hove Albion ayaa dhalisay gool kaddib markii uu dheesha ka dhigay 1-2 laacibkooda Leandro Trossard.

70 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Adam Webster oo caawin ka helay saaxiibkiis Pascal Gross ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay bar-bardhac 2-2 ah.

Laakiin daqiiadii 76-aad kooxda Brighton & Hove Albion ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 3-2 ka dhigay ciyaaryahankooda Daniel Burn.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-2 ay kaga adkaatay Brighton & Hove Albion kooxda Manchester City oo ku soo booqatay garoonka The American Express Community.

SAWIRRO:

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close