Kooxaha Manchester United iyo Fulham oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Old Trafford… +SAWIRRO

(Manchester) 18 Maajo 2021. Kooxaha Manchester United iyo Fulham ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Old Trafford, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 1-1 ah, kulan horyaalka Premier League ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 15-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Edinson Cavani, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Bruno Fernandes.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

76 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Fulham ayaa la dhalisay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhihay Joe Bryan oo caawin ka helay saaxiibkiis Bobby Reid.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay bar-bardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Manchester United iyo Fulham, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo ka tirsan horyaalka Premier League ay ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close