Harry Kane oo u sheegay Tottenham inay fasaxdo xagaagan…(Koox ka dhisan Spain, labada Manchester iyo Chelsea oo dhammaantood ku dagaallamaya saxiixa kabtanka England)

(London) 18 Maajo 2021. Weeraryahanka naadiga Tottenham Hotspur ayaa si rasmi ah ugu sheegay kooxdiisa inuu doonayo ka tegista Spurs xagaagan sidoo kalena loo fasaxo inuu ku biiro kooxdii uu doono.

Majaladda Ingiriiska ka soo baxda ee The Times ayaa sheegtay inuu Kane aaminsan yahay in guddoomiyaha Tottenham uu aqbali doono inuu laacibkan fasaxo, hase ahaatee, waxaa la fahansan yahay in qiimo adag la dul dhigi doono saxiixiisa.

Kooxaha ugu tunka weyn Premier League ee kala ah Manchester United, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhammaantood la xiriiray wakiillada kabtanka xulka qaranka England.

Sidoo kale, The Times ayaa fahansan inay Barcelona la xiriirtay 27-sano jirka weerarka ka ciyaara, hase ahaatee, laacibkan ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo baaqi kusii ahaanshaha Ingiriiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close