Ter Stegen oo shaaciyey inuu seegi doono ciyaaraha Euro 2020… (Waa nuucee dhaawaca seejinaya Koobka qarammada Yurub?)

(Barcelona) 17 Maajo 2021. Goolhaye Ter Stegen ayaa ku dhawaaqay inuu seegi doono tartanka Koobka qarammada Yurub ee Euro 2020, kaasoo sanadkan la ciyaari doono.

Sabaq ilaaliyaha Kooxda Barcelona ee Ter Stegen ayaa shaaciyey in sababo dhaawac uu ku seegi doono tartanka Euro 2020.

29-sano jirkaan Marc-André ter Stegen ayaa ku dhawaaqay in qalliin looga sameyn doono jilibka midig, sababtaas darteedna uu ku seegi doono ciyaaraha Euro.

“Waxaan si wadajir ah u go’aansannay waxaad caafimaadka kooxda inaan sameynno fara-gelin dhammaystiran oo jilibka ah,” ayuu Ter Stegen ku soo qoray bartiisa Instagram-ka.

“Waan ka xumahay inaan seego Euro 2020 xagaagan oo aan ka maqnaado xulkeyga Jarmalka, waa markii ugu horreysay sanado badan oo aan taageere ku noqon doonaa guriga anigoo taageeraya dalkayga, waxaana rajeynayaa inaan ku guuleysan doonno! ”

Goolhayaha Barcelona ayaa rajaynaya in goolhaye Manuel Neuer uu xulka Germany shabaqa ku geli doono kuwaasoo Group-ka F kula jira xulalka France, Portugal iyo Hungary.

 

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Marc ter Stegen (@mterstegen1)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close