RASMI: Macallin Roberto Mancini oo qandaraaska u kordhiyey xulka qaranka Talyaaniga

(Rome) 17 Maajo 2021. Macallin Roberto Mancini ayaa qandaraaska u ballaariyey xulka qaranka Talyaaniga, waxaana uu gaarsiiyey sanadka 2026-ka.

Roberto Mancini ayaa heshiis rasmi ah u saxiixay xulka qaranka Italy, kaasoo xulka ku sii hayn doona illaa laga gaaro sanadka 2026-ka.

Madaxweynaha xiriirka FIGC ee Gabriele Gravina ayaa xaqiijiyey in Mancini uu hoggaamin doono xulka Azzurri labo tartan ee koobka qarammada Yurub ee soo aaddan iyo labada Koob Adduun ee soo socda.

Wuxuu sii hayn doonaa xilka ilaa Koobka Aduunka ee ka dhici doona dalalka US, Mexico iyo Canada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close